Hormo Wade

  • Uploaded by: KAYD MAXAMED CABDALLA
  • 0
  • 0
  • April 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Hormo Wade as PDF for free.

More details

  • Words: 632
  • Pages: 4
HORMO WADE

Waxa uu gabaygan ku saabsan yahay dhaqanka Soomaalida kuwa aan isbedelin amma aan la jaan qaadin ummadaha kale, waxaana ka mid ah noloshii miyaga ee ku dhisnayd dhaqankii hore oo hadda ay ummaddu rabto in ay dawlad ku dhisaan ayaga oo welina talada hayaan Madax dhaqameedkii miyiga ka talin jiray oo adduunku ka tegey laakiin soomalidu weli daba socoto. Habka gabay higgaaddiyo naxwaha hilinka loo xaadhay Nin waliba halkuu maaggan yahay wuu hummaajiyiye Horaan kuugu sheegee murtida waa ka huruddaane Intuu haraggu nool yahay maalaa igama hooydaane Markaan hoyga aakhiro galaa ka hadli doontaane Kamaad helin halkaan kula mariyo hadaladaydiiye Hog daloola haadaan la qoday hul iyo meel jeexan Haadaaqda waataan ka digey hoosta loo galaye Adduunyadu hayaan bay ku jiri waana la hubaaye Halkii uun ma taagnee wakhtigu waa hadhkoo kale e Halkaad caawa joogtaa mid kale soo higsanayaaye Soomaalaay habeen baad tahoo maad hanbaabirine Adaa heetinaayee nin kale hiirta kaa durugye Nin habaas butaystaan ahoo hawd dhex yuurura e Hawadaa la marayaa anoo hooska jiifsada e Hakashada waxaa kuugu wacan hor u kac kuu diiday Amma hoos innoo dhigay malaa hadiba maysaane Balaan kuu higgaadshee mar kale hooya taladayda Hormo wade dadkoo hal iyo mida hayb u kala sooce Boqor haarrinaayiyo Suldaan soo hor kaca beesha

Shaydaan hunduudiyo Garaad kama hawootaane Ninka hadhaca loo xaadhayaa waa habkii tegeye Adduunyadu horay uga martoo waa hayaan socode Horaa looga jiitee adaa haysta weligaaye Sawdigan Habtii weli ku jira hore wixii joogey Illayn waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey? Habka dawlad lagu maamulaa lagu heshiiyaaye Hurdankii sokeeyaha markay habar la yeedhayso Odayaasha hootada la koray hadal ka dhawrayso Iyagoo harraadkii melmeley haro biyii laacday Oo aan hadhuudh iyo bariis hoyga lagu sheegin Hubka laba dhacaayiyo rasaas holac ka duulaayo Hoobiyaha ninkii soo rogaa waw habeen dhalade Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey? Dagaal huriye haybtuu noqdiyo haanka lagu sheego Halyey buu u yahay reerka dhalay kun hagoogtaane Haawiya hadduu gala yidhaa waa hinqanayaane Ma hubsado hacoogii qabiil soo hoggaan baraye Isagoo halaag iyo ku wada hawker iyo dhiillo Hoorrigu ninkiisii u kacay waw halgamayaaye Hareeraha waxay uga socdaan hiilla ugu deeqi Ee ay u wada heeggan tahay waa hoggaanshaha e Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey? Hoolifloow libaax iyo shabeel soo hunduda kaynta Bahalaha hadaafiyo kuway shiishu qarinayso Haylaha mid kuu gala maskiyo hararka qaar jiifa Hurgumada abeeskiyo intuu halaqu kaa laayey Amma uu harraad dilay markuu hawd ku macaluulay Haddii aan hareer dhigo intii hanaqa aad goysey

Amma hanaddo kaa tegey adaa hoos u gawracaye Iyagaa hubaashii ka badan tan iyo Haabiile Hilbahiinna cuna uumiyuhu idinku haasawye Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey? Hinqashada qaxoontiga markay kala huleelayso Haweenkiyo carruurtii markuu hugun ka yeedhaayo Hooyadu baroortii markay hoogay kor u yeedho Ee ay hengelihii caddaa hayle wada qaaddo Haad soo gableeyiyo dhurwaa hilibka uu feento Ayaa heello wiirsiga mid kale soo halaanhaliye Huuhuuda faankiyo markuu habacu faanaayo Oo hebel anaa dilay mid kale ku hindiwaasaayo Haasaawahaa laga guraa lagu habsaamaaye Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey? Hanti iyo dhaqmaad xoolihii hibo laguu siiyey Haldhaagiyo biciidkii kuwii hawdka miranaayey Kaymaha hadoodilan kuwii hadhaca joogjoogey Hariiryaalihii goodirkii hoobte deeradiye Haaruun faciisaa rogmaday heeliyaan dhalanne Holholkii kamaad jarin midkay heertay qodaxdiiye Hurunshaha baxaayiyo markuu holacu soo gaadhay Dhulka haawanaayiyo dhirtaa cidi hanbaynaynin Ma hadhsado hadhaagii baxsaday habar dugaaggiiye Haarriye ugaadhii markay halasa jiidheene Hunguuftiga ka oogsade markaa harag u tuurteene Haankaa u goyseen naflii waana haayiraye Ka huleel hayiin iyo dayiin hud iyo ceelkiiye Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?

Related Documents

Hormo Wade
April 2020 10
Wade
April 2020 12
Scott Wade
May 2020 7

More Documents from "Linda Wdl II"

Dhirbaaxo
May 2020 2
Gabbaldaye
May 2020 4
Taako
May 2020 4
Dhurde
May 2020 3
Hormo Wade
April 2020 10
Soomaali Baan Ahay
May 2020 5