Dhurde

  • Uploaded by: KAYD MAXAMED CABDALLA
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Dhurde as PDF for free.

More details

  • Words: 480
  • Pages: 4
ASTAAMAHA QABIILISTAHA SUUGAANTU WAA DHIBIC DHOOL KUGU HIILLAACOO RUUXAY KU DHALATAA DHAFOORADU KU DAALOO DHINACYADA HABEENKII DHAB U SEEXANMAAYEE ADDUUNYADU DHIB WEEYEE DHALANTEEDKA WAAYAHA NIN QABIIL KU DHAATOO DHAMAY CAANAHEEDII DHAKAFAARKA HAWLAHA WAA TAAD U DHALATEE DHURDE WELI MA KULANTEEN? FAALLADA DHEXTAALKA LE MARKUU DHINACA KAA GALO KUGU SOO DHAWAADE DHALASHADA WADAAGTAAN DHIIGGAAGA SHEEGTE DHAXALKIISA KUU QORO MALLA DHAYGAGTAAYOO DHABANNADU MA DAALAAN MISE DHOOBADUU QODAY DHIRIQDIYO WARKIISAA ADIGUNA LA DHUUGTAA DHABAQAAD LA GURATAA LAMA DHUUNTO SHEEKOO XIDIDA DHEXDOODIYO DHIIGGAY WADAAN BAA QOLO AY DHEX JIIFTAA MARKUU REER DHARKAYNIYO ILMA DHUUX GALOOLIYO KALA DHIGAYO QOYSYADA DHUXULUHU CIDDUU YAHAY KA HADLAAYO DHIIDHII NIN DHUNKAAL U OOMANI KU DHAWAA HALKIISEE MAKA DHAWRATAAYOO DHAQAAQ MAYSKU DAYDAA? MISE DHICIRTA UU SHIDAY KU DHAMOOQAY WAABAY DHADHAMADA MA DIIDIDE ADNA WAAD LA DHUUQDAA DHEGAHAA WAR DOONOO DHOOSHAAD CADDAYSAA DHIKH DHIKH BAAD U CELISAA? MARKUU FAANKA DHAAR BADAN KU DHEXTAALO SHEEKADA SOOMAALI KALA DHIGO KA U DHEERNA UU YAHAY INTA KALE DHUL JIIFIYO DHAMAYS AAN HABEEN KICIN KU TILMAAMO DHOOBADA MAKA DHABABACAYSAA DUKUSAAD MA SOCOTAA?

MISE WAAD U DHAWDOO DHINACII QABIILKIYO DHALASHAAD OGSOONTOO ADIGUNA MA DHAANTIDE DHOOJAARTU UU QUBAY DHINACAAD U QABATAA DHOSOGGIYO WUXUU WADAO ADNA WAAD LA DHURANTAA SHEEKADA LA DHUUXDAA? KAFTAN LAYSKU DHIIDHIYO RUNTU AY KA DHEER TAHAY MARKA LAYSUU DHIIBEE GEELII LA DHICI JIREY ANNAGAA DHAMAYNOO CUDUD DHAABAN BAAN AHAY DHIMASHADU NAMAY HELIN IYO DHOOBI BAAN DILEY DHUDI YARAD KAMAAN BIXIN BIYIHII DHANAANAA AJADII LA DHURI JIREY DHAANKAYGA MOOYEE DHEGLEY RUUX KAMUU DARIN DHIIDHIIDA KUU WADO MIYAAD DHOLOTANKIISIYO DHAGARTII HORUU GALAY AMA KUU DHALEECAYN DHOGORTAADU DIIDDAA? MISE HADALKA TUU DHIMAY IYO DHARARAQDIISAAD ADIGUNA DHAMMAYSAA NACAM UGU DHAWAAQDAA? MARKA LAYS DHIRBAAXEE DHIMASHADA SOKEEYAA SOOMAALI DHIILLIYO DHAGAX TUURKU UU JIRO DHIIGGII WALAALNIMO LAGU DHAASHANAAYEE DHIRTU AY ILMAYSEE DHADDIGIYO HAWEEENKII DHIXIRKII KA SIIBAAN MAYDKII DURWAA CUNO DHABBAA LOO HADLAAYOO RUNTA LAMA DHADHAABEE DHIMASHADA ASAAGGII IYO DHAAWACUU TIRIN DHIBTA WUU OGSOONYOO DHMACDII HURAYSUU DHUXULAHA KU TUURAA DHURANKIYO SIDUU RABO DHURDE FAALLADIISII DHAB MIYAAD U DIIDDAA MURAN BAAD U DHIIBTAA? MISE WAAD LA DHUUXDAA SHEEKADA MIDUU DHIMAY AMMA DHAAFAY BAAD ODHAN?

DHINACAY U SOCOTIYO MA DHADHAMISAY MAANSADA DURDE WAAN TILMAAMEE ADIGUNA IS DHAWROO MIISAANKA DHINACIYO DHANKEE BAAD KA TAALLAA? MA KU DHAADATAA QOLO? MIYAAD DHEGA DHEGAYSAA? DHUUXEEDA LEEFTAA? MA KA DHIIJISAA DACAR? MA KU DHAASHATAA REER? INTA AAN DHALIIL IDHI HADDAY KULA DHANAAN TAHAY DHAQ MIYAAD IS LEEDAHAY? DHAQAN XUMO DARAADDEED DHULKA QODAX AYAA TAAL DHAWDHAWLE REER WADA IYO DHIRRI GELIYAA DHUUN GAAB WATAA JIRA ISMA DHAANTO SHEEKADA KANAA REER DHINBIILIYO KII REER DHARAARIYO DHAREERKII QABIILADU KA DHACAAYO BAA BADAN ALL DHUXUN KU REEBIYO ODAY DHAARANAAYOO DHIMASHADA KA YAABAYN DHALLINYARO DAGAALIYO U DHISAAYA TII HORE SIDA DHIIG SOKEEYIYO DHAGAR LOOGU MAYDHOO NA DHIBAAYA BAA BADAN DHAMAC RAAGTEY WEEYAAN DHAWAAQII WANAAGSANI DHEGADOODU DIIDOO KAMA DHAADHACAAYEE MAANIGAA DHADHAABIYO DHAGAX TUUJINAAYOO DHUUXAAYA MEEL MADHAN DHIDAARKII SALAADDII DHARAQDHOON LA SOO KACAY GOORTUU DHARAARSADAY RAG KA DHIGAN AYAA JIRA DHOOHANE SIDUU QABO DHIKILAHA BIYAA QUBAY DHINACYADU DALOOLAAN KUWA DHAAMINAAYOO U DHARDHAARAYAA BADAN DHAQANOW BA’A WEEYAAN

Related Documents

Dhurde
May 2020 3

More Documents from "KAYD MAXAMED CABDALLA"

Dhirbaaxo
May 2020 2
Gabbaldaye
May 2020 4
Taako
May 2020 4
Dhurde
May 2020 3
Hormo Wade
April 2020 10
Soomaali Baan Ahay
May 2020 5