Taako

  • Uploaded by: KAYD MAXAMED CABDALLA
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Taako as PDF for free.

More details

  • Words: 539
  • Pages: 2
TAAKO Gabaygani waxa uu ahaa sannadkii 1983 markii dawladdii Siyaad Barre lagu kacay ayana ay bilawday in ay dadka xaaqdo, aniga oo u arkaayey in meesha uu ku jiro dagaal sokeeye, ayaan gabaygan tiriyey kaas oo sheegaaya in Soomaalidu weligeed meel gaadhi doonin haddii ay majaraha qabiilka ku noolaadaan taas oo ay weli ku jirto illaa wakhtigan aan joogno. Taariikhda soomaliyeed taabbo qaad ma lehe Toddobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba Tabtii lagu ogaa bay yahiin taniyo waa dheere Malaa taayirkeedaan is rogin taako dherereede Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene Ta'da gabay ninkii garanayaa tiisa wuu odhanne Tashuush lagu fur maansada markuu tegey raggeediiye Tuducyadu warkay qaadayeen laysu tebin waaye Goortii tamuux lagu rogey tororogleeyeen Tacsi baan u dirayaa murtida taabka loo jaraye Aniguna tastuurtii naxwaha taabo malahayne Hayeeshee midhkaa igu tigtigan waan talwinayaaye Tabaalada adduunyada nin ogi taaha damin waaye Tiiraanyo waa loo dhintaa taaha urugeede Tilmaantii wakhtiga jooga baan taabo leeyahaye Taariikhda soomaaliyeed taabbo qaad ma lehe Toddobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba Tabtii lagu ogaa bay yahiin taniyo waa dheere Malaa taayirkeedaan is rogin taako dhererkeede Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene Tashi lama wadaagiyo waxii laysu tari laaye May kala tasoobeen hadday tamaro leeyiine Tumaatidu ma joogteen halkii taran innoo yaalle Anaa kaa tolrooniyo qabiil laguma taameenee Tuuryada warmaa lama rideen tudhis la'aaneede Layskuma taftaafeen mindiyo toori xoog badane Tawaawaca dhallaankiyo haween lagu tookheene Tukuu kuma casheen marnaba taharahoodiiye Layskuma tirsheen dhaawacii teedka buuxsamaye Haddii aan iswada toogannoo lays tixgelin waayo Tagoogaa isgoynoo wax badan dhiiggu tibiq leeyo Oo toban jirkii kici lahaa turuq la naafeeyo Taaj waxa la sudhayaa ninkii toogtay gacalkiiye Muxuuu taray walaalkii nin dilay toobad seeg noqoye Taariikhda soomaliyeed taabo qaad malahe Todobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba Malaa taayirkeedaan is rogin taako dhererkeede Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene Tusmadii dhulkeeniyo halkii tacabka dooneysey Tuluddii irmaanayd halkay tobanka deeqaysay Tigaaddii guyaaddiyo halkii talaxa saaraysay Waataa galookii la tiray qudhici taagnaaye Tarash laga dhig meeshii lahayd tima fardooliiye

Togaggii biyaysnaa hadday tuushay dhoobaduye Teneg lagama dhaansado malaa talalaxoodiiye Maandeeq tasawdoo hadday umal la tiicdaaye Takartiyo qaniinkii ayay taws la oloshaaye Tirsiis malaha soomaalidaan toosi leeyahaye Hadday tamaro leedahay qurbaa lama tubnaadeene Teennii markaan ololinaa too la raadsadaye Wax shisheeye laga soo tabcaan tooggo beel noqonne Tuugsiga carbeed waa kuwaa taagan suuqyada e Waxay tuban yahiin laamiyada tan iyo laylkiiye Tafantoofka caydheed hadday toban qadaayaane Taxtaxaashka suuqyada Jiddaa temeshlo moodeene Toocsiga ku noolaada waa talo habawdeene Taariikhda soomaaliyeed taabbo qaad malahe Todobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba Tabtii lagu ogaa bay yahiin tan iyo waa dheere Malaa taayirkeedaan is rogin taako dhererkeede Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene Tubta nolosha waayaha ninkii teenna garanaaya Talo lagama dhawriyo wuxuu toosi leeyahaye Isagoo tabtuu doonayiyo tuna la weydiinin U taxaabe meel madaw siduu tiray dirkeeniiye Taliyuhu markuu xidha lyidhaa taabka lagu qaadye Tudh markii la siiyaa rasaas tiirka loo dhigiye Tiiqtiiqsi faallada warkiyo taarka lagu sheegye Tuhun lagu dil keennii yidhaa toosi xaajada e Immikay waxaan tirinayiyo tuuri waanada e Tawxiidka nimankaan u dhigay toogta ii qoriye Oo Cali tabtiisii la odhan tawri ma ahayne Tunkay kaaga dhegi maalintaad tiiri leedahaye Tafsiir looma dhigo ruux hadduu kaa tallaabsadaye Toojada ninkii godol yidhaa tuuris baw xigiye Aniguna midhkaan tabanayaa tiigsimaad malahe Tukubaa inoo qora illayn tamar ma haysaane.

Related Documents

Taako
May 2020 4

More Documents from "KAYD MAXAMED CABDALLA"

Dhirbaaxo
May 2020 2
Gabbaldaye
May 2020 4
Taako
May 2020 4
Dhurde
May 2020 3
Hormo Wade
April 2020 10
Soomaali Baan Ahay
May 2020 5