Dhirbaaxo

  • Uploaded by: KAYD MAXAMED CABDALLA
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Dhirbaaxo as PDF for free.

More details

  • Words: 363
  • Pages: 3
WAXA UU GABAYGU KU SAABSAN YAHAY DADKA QABYAALADDU DHULKOODA KA SOO SAARTAY EE QURBAHA SOO GALAY WELINA AAN KA HADHIN EE HALKII KA WADA KUNA DAYAN WAAYEY ADDUUNKA KALE EE AY ARKEEN.(2008) Dhayal looma tiriyoo murtidu dhaxal gal weeyaane Dhuuntiyo hadday kuu fadhido laabta dhinaceeda Ruuxay ku dhalataa hurdada wuu ku dhididaaye Nin waliba halkay kaga dhacduu kaga dhawaaqaaye Waataan dhanbaalkii murtida dhawr ku soo diraye Dhaantada ninkii garanayaa dheesha haw tumo e Dhoolkii hillaaciyo markay heego dhibic keento Nin uun baa ka dhaansada intuu dhiisha buuxsado e Ma dhadhamiyo ruux kale haddaan roob ku soo dhicine Nin dhunkaal u oomani ma cuno dhaylo iyo soore Dhawaaqayga wuu garanayaa ruuxa dhiiglihiye

Dhirbaaxada sokeeyaha markii laysu wada dhiibay Dhababaca la roorkii markii dhinacba qaar aaday Dhulshisheeye soo gaadh ninkii dhawr habben qadaye Isagiyo dhashiishii markii dhinaca loo seexshay Dhuuniga la quutiyo anfaco dheriga loo saaray

Dhaansaday calooshii intuu dhiico faras yeeshay Dhaawaca halkii qoomanayd nabaradii dhoobay Dheecaanku soo galay farii dhaqax la moodaayey Dhudhumada qalloocsamay jilbaha dhaashi kala daalay Dhabannada dalooshamay wejigu soo dhalaal celiyey Dhoobada dagaalkii ninkii dhiigga laga maydhay Dhawdii rasaastii ninkay dhego barjaysiisay Dhawdhawlahii soo fakaday dhaanka muu furine Soo dhigay ninkii dhimanayee gaalku dhaydhayey

Muu dhugan dhibtii soo martiyo dhoofka uu yimiye Dhididkii markuu tiray hadduu dhararaqleeyaaye Dhalanteedka soo maray ma oga dhalashadiisiiye Dhaleecada adduunyada ma garan dhoorka loo sudhaye Dhoohane waxii soo qabsaday dhaaf ismuu odhanne

Muu dhugan dhibtii soo martiyo dhabaqla roorkiiye Dhiillada halkuu kaga yimee dhamacdu duuleysey Dhankiisuu ka sii ololiyaa dhagar ku faanaaye Ka dhaqaaq asaaggii intuu dhurayo reer reere Waa dhabanahays xaajaduu weli dhamooqaaye Dhufayskii ka muu bixin halkuu dhawr ku soo jiraye Dhiriqdii qabiilkiyo ma hadhin haybta loo dhaxaye

Dhururida intay ururiyaan dhawrto lagu siiyey Dhinacooda soo gade hubkiyo dhawle qorigiiye Dhegahoodu way jecelyihiin dhiilladii timiye Soomaalaay dhashaadii cuntoo dhuuxde ubadkiiye Dhurwaagiyo waxaa dabagashaan dhawr ninkii dilaye Dhibiiqiyo waxaad weheshataan dhoobley shilintiiye Laga dhacan adduunyada halkaa dhiriq jafaysaane Dhaqayada ninkii godol yidhaa dhiil ma buuxsado e Dhaqan xumo ninkii tirinayey kula dhawaaqdaaye Dhiidhii hadday moodayaan waa dhab taan idhiye Nin dhadhaab u sheekaynayoo dhagax u heesaaya Dhegaa laga furaysataan ahoo cidiba dhaadayne Dhoorkaa idaaloo wakhtigu wayska dhalanteede Ku dhadhabada qabiilada illayn kama dhergaysaane

http://www.suugaantakayd.com

Related Documents

Dhirbaaxo
May 2020 2

More Documents from "KAYD MAXAMED CABDALLA"

Dhirbaaxo
May 2020 2
Gabbaldaye
May 2020 4
Taako
May 2020 4
Dhurde
May 2020 3
Hormo Wade
April 2020 10
Soomaali Baan Ahay
May 2020 5