GABBALDAYE Waxa uu ku saabsan yahay gabaygani madaxnimo jacaylka, qabyaaladda iyo sinnaan la’aanta sida takoorka Gabooyaha ama Midgaha dadka loo yaqaan (1993) Xaajada gondaha kaaga maran kuna gujaynaysa Gocashada xanuunkiyo halkii gabay la ooyaysa Geeraaradaa lagu sabaa guuxa aan hadhine Anigoo guntiga lay xidhoo gabana oo liita Geeloo arooriyo anoon ceelalyada gaadhin Gurigiyo ardaagiyo anoo gudaha meeraysta Gole laga cayaariyo anoon gabay ku dhaantaynin Anigoo goshii hooyaday gama'lay seexsho Gorofkiyo hadhuubkiyo anoon gudinta lay dhiibin Geediga hayaanka ah anoo gurada lay saaro Gobanimo la qaatiyo anoon garan wixii jooga Lixdankii raggii ii gurmaday in gargaaraayey Gacan baan u dirayaa ninkii guday xilkiiseeye Soddoon guuro iyo waa guyaal gooshkan maanta ahe Gogoshii kuwii baa fadhiya geedka loo dhigaye Gaashaan la ciir baa na wada taniyo goortiiye Gadhcaddaa haddii aad ahayd maanta waa gabaxe Gahaydhkii magool saarayaan gawsku qabanayne Gacayradu dhanaan maleh haddaad goyso duhurkiiye Gocondhadu xanuun maleh intay geed ka lulataaye Waxa guunyo loo sahamiyaa guriga daaqroone Kama guro dadkeennii ninkii garasho dheeraaye qofk kastaa marbuu hawlgabaa sharafna gaadhaaye Oo uu gudoonshaa nin kale kii gadaal yimi Anigiyo gankaygaba la diid inay guddoonshaane Gafanahu wuxuu iiga lulan madaxa guudkiisa Gabaarayda igu yaaciyee garabcas ii keenay Ama ganafka lay yuururee layna gadanaayo Gabbal daye wuxuu iga rabaan garan aqoon waayey ! Gole sare ninkii laga dhigee shicibku gaadhsiiyo Goortii la doortiyo hadday gudubto taariikhdu Gashi naguma yeeshee hadduu godob la meeraayo Anaa lay golleeyahay war xumo beesha gelinaayo Gurmadaay ka soo kaca tolkii galaw ku heesaayo Garaadkii la diidyeey intaa gini la dhiibaayo Garri laysu tumayee mid kale daba guclaynaayo Waxa meesha lagu gaadayee looga go'i waayey Ee geeska loo fiiqayaan garan aqoon waayey ! Goofaadhtan hoosiyo wixii hore innoo gaadhay Amma geel la kala qaadi jirey gulufna raacaayey Guri kii yagleelaba mid kale gurayey ooddiisa Galka laga cabaayiyo biyaha maalku geli waayey Gashi laysku yeeshiyo haddii talo gawaanraacdo Garta Ina Sanweynaa yaqiin garashadeediiye Goortaa la dhaafyoo adduun gelinba waa cayne Immikaa waxii laysku galay gaalku naqayaaye Guddoonshaha ayey wada rabaan loona go'ayaaye Maantay gudoodiga ku tahay meel la garanayne Haddii geesigii idin hor kaca gees la qaban waayo Gaar loo tilmaamoo mid kale gawska dhiganaayo
Gujiyaay la leeyahay qabiil maaha gacalkaaye Gacan laysu dhiibiyo hadday garasho kaa duusho Go'a laysu tuuroo wanaag xadhigga loo gooyo Garawshiiyahaa lagu socdaa lays af garan waayo Adaa gabay inaad dawladnimo gaadho weligaaye Gedaankay ka lulataa xornimo mana gargaartaane Geyigoo samaadiyo ha filin guurti nabadeede Gar la sheegoo gaagaabsi qolo geedka laga baano Garoon lagu faqaayiyo xigaal garab is moodaaya Oo kala go'aayoo hadana gees ku diriraaya Ummaad garashadeedii luntoo gaabs talinaayo Oday guraca taagiyo qabiil gadayo maankooda Waxa goosan lagu doonayee gebi innoo diiday gunnadaa la kala boobayee lasu garan waayey Ee loo galaayuusayaan garan aqoon waayey ! Gabooyaha kuwaa ula baxdaan gacal ma moodaane Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline Gooddiga la daaqiyo markii geliga loo diiday Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso Gudis lama amaanine hablaha gooya hilibkooda Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayne Ima gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay Garaadkiinnu wuu fooraraa garanamaysaane Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e Gommod lagu harraadiyo lafaa lama guddoonsheene Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey ! Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede Markii Aadan guudkeeda yimi Xaawa laga gooye Tarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e
Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe Abtirsiimadaa kala gurtaan gubasho weeyaane giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey ! Inta lays gilgilayee madfaca laysu gelinaayo Ee maamulkii loo guntaday guudka sare joogey Waa kaa dhulkeenni galbaday xaalufkii gudhaye Galoolkiyo maraagii haddii xididka loo gooyey Oo aad gammuurteen dhirtii lana garaacaayo Gabbood lama fadhiistoo dhulkii gelengel weeyaane Gorofkiyo tigaaddii halkii geelu miranaayey Gaashan dhiggaad ururiseen gaadhi marinaayo Gawaantaa u oodaan nafluhu kuma guyeystaane Gosha midhaha lagu soo ridiyo xabagta gaagaaban Geel jire ma haybsado wuxuu gurayey hoobaan Gooshiyo libaaxii sidii gorayga loo waayey Guunyana inay kaa baxdaad galabta joogtaane Geed uu fadhiistiyo markuu laanta geli waayey Gorgorkii wuxuu kaaga tegey gaajo iyo oone Kiiniya ugaadhii gashay doollar gurayaane Gollidaa la dhaqayaa adaa gaabshay noloshiiye Gabannada kacaayiyo kuwaa goor la dhali doono Giriyaad ninkii uga tegow waa garoon madhan e Gobblan talo adduunyooy maxaa gabay laguu sheegay.