Tiirka Sedexaad Ee Dawladnimada: Qaanuunka Dalka

  • Uploaded by: Dr. Abdurahman M. Abdullahi ( baadiyow)
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Tiirka Sedexaad Ee Dawladnimada: Qaanuunka Dalka as PDF for free.

More details

  • Words: 1,633
  • Pages: 6
1 Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada: Qaanuunka dalka W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) Xeer, qaanuun iyo sharci waxey dhammaan tilmaamayaan nidaam lagu xeeriyo xiriirka qofka, qoyska, bulshda iyo dawladda. Nidamkaas wuxuu noqon karaa mid ku saleysan Shareecada Ilaahey ama mid dadku ay ka qaateen waayoaragnimada

aadamiga.

Ummadaha

Muslimka

ah

waxaa

laga

rabaa

in

xeerarkooda, qawaaniintooda iyo sharciyadooda aysan ka hor-imaanin nuxurka mabaadi’da Islaamka. Taas minaheedu ma aha inaan loo ogoleyn ka faa’deysiga waayo-aragnimada dawladnimo ee ummadaha kale. Haseyeeshee, dawladaha la soo gumeystay sida Somaaliya, qawaanintooda waxaa sameeyay gumeysiga oo ka tixraacay qawaaniintooda. Gaar ahaan, dalalka Muslimka ah waxaa soo gumeystay dawlado aan ku diin aheen, kuna dhaqan aheen, kuwaas oo keenay waxyaabo badan oo khilaafsan diinta iyo dhaqanka. Waxaa dalakaas lagu talaalay fikirka “cilmaaniyadda” (secularism) oo ay sal u tahay in Islaamka laga fogeeyo xukunka, diinta iyo dawladdana la kala saaro. Sidaas darteed, madaxdii xukunka Somaaliya soo qabatay bilawgii gobanimada waxaa ka horyimiday mushkilad ah qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga iyo shabcabkooda oo aan qawaaniintaas ictiraafsaneyn oo uhaysta iney tahay qawaaniin gaallo. Qawaaniinta dawladu ma aha xeerkii dhaqanka u ahaa beelaha oo odayaashu xeerintiisa yaqaaniin, mana aha shareecada Islaamka oo culimada wax laga weydiiyo. Intaas wixii kasoo hara dadweynahu ma ictirafsana, qiima xeerna uma laha. Sidaas darteed, hadii la jebiyo qawaaniinta dawladda, dadku uma arkaan iney tahay dambi Ilaahey agtiisa, mana aha wax bulshadu isku ceebiso. Hadaba in qawaaniintaas la jebiyo miyaa loo daahaya? Haddiise qawaaniinta la jebiyo miyaa bulshadu nabad iyo nolol heleysaa? Sidey Somaaliya dawlad ku noqoneysaa haddii aan qaanuun loo hogaansameyn? Sidey lagu sameen

karaa qaanuun dadku intiisa badan rumeysanyihiin oo

haddii la khilaafo aakhiro la isku haysto aduunyadana la isku ceebiyo? Haddii aan isku raacno sida ayaamahaan socota in Shareeda Islaamka la isku xukumo,

2 side loo dhaqan gelinayaa? Yaa sheegaya waxyaabaha shareecada khilaafsan iyo waxyaabaha waafaqsan ee qawaaniinta dalka ku jira?

Su’aalahaas iyo

kuwa kale oo badan ayaa jawaab sugaya, laakiin maqaalkaan looguma tallagelin inaan uga jawaabno. Waxaan ka rabnaa oo kaliya inaan isku baraarujinno baaxadda arinka xaalka ubaahan. Qaanuunka dawladda waxaa ugu horeeya waa dastuur. Hadaba, waa maxay dastuur? Su’aashaan waxaan u keenayaa, waxaan ogahay iney jiraan Somaali uyaqanna dastuur inuu yahay qaanuun gaalo, Muslimiinta dastuurkooduna yahay Qur’aanka Kariimka ah. Waxaa dadka qaar si khaldan ufahmeen orahda dhaheysa

dastuurkeynu

waa

Qur’aanka

“al-Qur’aanu

dastuuruna”

oo

micnaheedu yahay dastuurku waa inuusan khilaafin Qur’aanka. Qur’aanku, dastuurka sida loo yaqaan, waa weynyahay, waa hadalkii Ilaahey oo lagu soo dejiyay Nabigeynna Muxammad (saw) oo natusaaleynaya sida Ilaahey rabo inaan ucaabudno. Qur’aanku wuxuu tilmaan guud ka bixinayaa sida Ilaahey ka rabo in aadamigu ugu noolaado dhulka. Dhanka kale, dastuur waa qaanuunka qaanuunyada asaaska u ah oo dawladaha iyo hay’aduhu sameystaan. Waxaa Muslimiinta tusaale u ah dastuurkii uu sameeyay Nabigeenna Muxammad (saw) markii uu uhaajiray Madiina. Halkaas waxaa ku wada noolaa Muslimiin, Yahuud iyo gaallo kale. Waxaan Nabigu (saw) sameeyay heshiis lagu magacaabo “Axdiga Madina”. Hehsiiskaas wuxuu qeexayay sida loogu wada noolaan lahaa magaalada Madina. Dastuurada dawladaha casriga ah wuxuu ka koobanyahay mabaad’i guud, wuxuu qeexayaa casimadda, xuduudda dalka, muqaalka calanka iyo astaanka qaranka. Wuxuu qorayaa qaab-dhismeedka dawladda iyo waajibaadka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu kala bixniyaa awoodaha baarlamaanka, xukuumadda, madaxweynaha iyo maxkamadda sare. Arimahaas aan soo sheegnay waa arimo lagu heshiiyo oo dal kasta sida ugu haboon u sameysto. Dastuurada qaar waa gaabanyihiin, kuwa kalena waa dheeryihiin. Tussale, Axdiga KMG ee lagu sameeyay Kenya (2004) wuxuu ka koobanyahay 71 qodob (article). Axdigii ka horeeyay ee lagu sameeyay tuulada

3 Carta 2000, wuxuu ka koobanyahay 38 qodob. Dasturkii dawladii kacaanka wuxuu ka koobnaa 112 qodob. Diinta Islaamku ma sheegin qaabka xukumadu u egtahay iyo nidaamkeeda dhismaha ee waxey sheegtay qaabka la raacayo si xukumad loo sameeyo iyo waajibaadkeeda.

Waxaa

la

rabaa

in xukumadu

ku timaado

wada-tashi

(doorashooyin demoqradi ah). Dad badan ayay la xuntahay adegsiga eragga dimoqraadiyada oo uhaysta iney tahay gaallnimo. Laakiin, sidaas ma aha hadii loola jeedo in la isdoorto oo kalitalisnimo la diido. Demoqradiyada aan ka hadleynoo waa Muslim ee cilmaani ma aha, waxeyna diideysaa in xukunka xoog lagu qaato. Labada aayadood oo ka hadlaya in laga tashado arimaha ummada Mulimka ah waxey sheegyaan in wada-tashigu yahay dhaqan lagu yaqaan muu’miniinta “wa amruhum shuura baynahum”

iyo in Nabigi Moxamed

(saw) oo Ilaahey ku amray inuu dadkiisa la tashado “ wa shaawirhum fil amri”. Tass waxaa lagu fasiray in xukunku marka hore wada-tashi ku yimaado, wada-tashina lagu maamulo oo aan marna la ogolaan kali-talis. Yaa lala tashanayaa? Go’aanka ka soo baxa wada-tashiga qasab miyaa in madaxdu uhogaansanto? Haddi madaxdu takrifal sameyso waxaa la sameynayaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo la nooc ah, waxaa loo daayay dadaka ku nool meelaha iyo waqiyada kale duwan. Waxaa kale oo xukumadda waajib ku ah iney Shareecada ku dhaqanto oo nuxurkeedu yahay in wixii wanaasan la is faro, wixii xunna la iska fogeeyo (al-amru bil macruuf wa nahyu canil munkari”. Tafaasiisha waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha xun waxaa qeexayaa Shareecada Islaamka oo leh qaybo aan isbedelin (thaabit) iyo waxyaabo isla bedela waqtiga, goobta iyo xaaladda (mutagayir).

Laakiin xukumadaha

casriga ah, faahfaahinta waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun oo reeban waxaa lagu qoraa qawaaniinta kala duwan ee dalka. Sidaas darteed, xukumadaha casriga waxey sal u ah dastuuro casri ah iyo qawaaniin faahfaahisan ee lagu xeeriyo qeyb kasta oo nolosha ka mid ah. Haddii dalku rabo inuu ku dhaqmo Islaamka wuxuu ku qoraa dastuurka in

4 qawaaniintisu ayan khilaafi karin mabaadi’da Islaamka. Tusaale, Axdigii Somaaliyeed ee lagu sameeyay dalka Jabuuti 2000 oo qoraaga maqaalkaan ku jiray dadkii ka shaqeeyay, waxaa ku qornaa “Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama jiraan” (4:4). Qodobkaas waa laga tuuray Axdiga hadda lagu dhaqmo oo lagu sameeyay Kenya 2004. Sidaas darteed, ansixinta ku dhaqanka shareecada waxaa ku filan in qodobkaan baarlamaanku dib ugu daro Axdiga,

dabadedna

hoos

loogu

dejiyo

qawaaniinta

iyo

hab-dhaqanka

xukumadda iyo bulshada. Waxaa kale oo in la fahmo ubaahan, dastuurada dawladaha Muslimka ah intooda badan waxaa ku qoran in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dawlada, hadana Islaamka lagama dhigto marjaca qawaaniinta iyo dhaqanka. Waxaa lagu qoraa dastuuradaas in Islaamku yahay “ saldhiga asaasiga ee qawaaniinta” iwm.

Turaale, Axdiga KMG ee Somaaliya wuxuu qorayaa “ Shareecada

Islaamku waa iney noqotaa saldhiga asaasiga ah ee qawaaniinta dalka” (8:2). Bal isbarbar dhig sida qodobkaan uqoranyahay iyo sida lagu qoray Axdigii Carta lagu sameeyay oo aan kor kusoo qornay. Laba afleynta dawladaha Muslimka ah wuxuu keenay iska horimadka ka jira dalalkaas oo ka dhexeeya

dhaqdhaqaadyada Islaamka iyo dawladaha. Dawladuhu waxey ku

dheganyihiin qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga, xarakaadka Islaamkuna waxey rabaan in dhaqanka iyo qawaaniinta la waafajiyo Shareecada Islaamka. Markii la ismari waayay waxaa dawladuhu adeegsadeen xoog, xabis iyo dil, waxeyna xataa diideen in lagu kala baxo doorashooyin. Algeeriya

waxaa

xoog

lagu

maquuniyay

xarakadii

Tusaale, dalka

Islaamka

markii

ay

doorashadii ku adkaatay sanadkii 1991. XAMAS waa la caburiyay markii ay doorashada ku guuleysatay.

Dhanka Somaaliya, “Xeerkii qoyska” ee 1975

dawladda Somaaliya soo saartay wuxuu ka soo horjeeday Islaamka, waxaana lagu dilay 10 Sheikh oo arinkaas ka dhiidhisay. Markii xukumadihii kali-talisnimo iyo caburis laga kari waayay, taas oo ay gacan ku siinayaan dawladaha reer galbedka, waxaa sameymay kooxo Islaamiyiin ah oo xanaqsan oo qoragooda

5 garabka saartay, go’aansadayna iney xoog wax iskaga celiyaan. Fikirkoodu wuxuu ku dhisanyahay, dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin iyo gaalada tageerta waa in lala jihaado “ qaniinyo qaniinjo ayaa kaa fujisa”. Kooxo kale oo Islaamiyiin ah waxey qaateen wadda kale oo ku dhisan ka shaqeynta isbedelka bulshada oo waqti dheer u baahan iyo sabar iyo dulqaad in lagula dhaqmo xukumadaha. Kooxdaan dambe waxey rajo ka qabtaa in si nabad ah isbedelka lagu sameeyo. Labadaas aragti ayaa maanta ka jira Somaaliya iyo caalamka oo dhan. Si looga gudbo ismari-waaga arimaha diinta, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon iney tallo cusub ufadhiistaan. Somaaliya dadkeedu waa Muslim, kamana jirinaan kooxo abaabulan oo cilmaaniyiin ah. Isfaham la’aanta diinta ee Somaaliya waxaa sabab u ah sedex arin: (1) Aqoon la’anta in Islaamku yahay diin (caqiido iyo cibaadaad) iyo dawlad (nidaamka mucaamalaadka iyo xukunka). Dadka aan diinta aqoon waxaa iskaga khaldama ficilka dadka sheeganaya diinta qaarkood iyo diinta Ilaahey. Dadkaasu waxey arkeen dad leh magac wadaad oo aan dhaqankeedi laheyn. Arinkaasu dad badan ayey shaki ka gelisay ku dhaqanka Islaamka. (2) Khilaafka siyaasadeed ee hubeysan oo magaca diinta la huwiyay. Waxaa la arkay kooxo umuuqda iney dadka ka xigsanayaan Islaamka, una haystaan in Islaamku yahay sida ayagu wax u arakaan. Sidaas darteed, Islamka hala isku xukumo waxey ugu muuqataa dadka aan diinta aqoon in wadaadada kaliya dalka ay xukumaayaan. (3) Dawladaha Ajnabiga ah oo faraha kula jira Somaliya waxey cabsi ka qabaan ku dhaqanka Islaamka. Dawladahaas waxey si joogto ah ucadaadinayaan xukumadda oo uga baahan kaalmo nooc kasta, haddii lagu madax ageygana waa wiiqayaan. Waxaa loo baahanyahay xikmad weyn iyo farsamo qotodheer. Si looga tilaabsado turanturooyinkaas, waxaa lagama maarman ah in lagu dhaqaaqo tilaabooyin khilaafka lagu soo afjaro. Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la sameeyo hay’ad ay ka shaqeeyaan khubarada qawaaniinta iyo Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney isku aqriyaan shareecada iyo

6 qawaaniinta, iney ka faa’ideystaan cilimi-baarista arinkaas looga sameeyay meello badan oo ka mid ah caalamka Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney kala taliyaan dawladda sida loo hirgeli karo shareecada. Khubaradaas ayaa laga

rabaa

iney

shirar

u

qabataan

aqoonyahaannada,

wacyigeliyaan

dadweynaha, kuna qanciyaan aduunyada in ku dhaqanka Islaamka uusan dhibaato ku aheen ummadaha kale. Gunaanadkii, dawladnimada waxaa sal u ah muwaadinniinta qaraanka bixiya, qaanuunkana uhogaansama. Qaannunka koobaad ee dawladu waa dastuurka, dabadedna waxaa la sameeyaa qawaaniinta inteeda kale. Dadka Somaliyeed uma hogaansami yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed, waa inaan sameysanaa qawaaniin aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa lagama maarmaan ah iney ka qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala saarin culimo iyo caami, wadaads iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami. Wadajirkooda iyo isla garashadooda ayaa muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku waa diinteynna! dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo walalnimana waa nolosheynna. intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!!

Ilaahey

Related Documents


More Documents from ""