Tiirka Labaad Ee Dawladnimda: Qaaraanka Dawladda

  • Uploaded by: Dr. Abdurahman M. Abdullahi ( baadiyow)
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Tiirka Labaad Ee Dawladnimda: Qaaraanka Dawladda as PDF for free.

More details

  • Words: 1,200
  • Pages: 4
Tiirka Labaad ee Dawladnimda: Qaaraanka Dawladda W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow) Sida dadka Somaaliyeed intooda badan uga fikiraan dawladnimada waxay qaloocatay waqti hore, waxayna u baahantahay sixitaan xoog leh. Dawladnimo waxay ku dhisan tahay muwadinnimo, sharci iyo dhaqaale. Sedexdaas arin oo leh maamul iyo madax aan ka weecan sharciga, dadku u simanyahay, dhaqaalana inta ururisa aan ku takri falin. Muwaadinnimadu waxey ka dhigan tahay in loo sinaado dhibka iyo dheefta dalaka. Sharcigu wuxuu tusaaleynayaa qaabka muwaadinniintu uga wada qeybqaadan karaan hawlada dalka ayaga oo isku xuquuq iyo waajibaad ah. Waxaa kale uu sharcigu sheegayaa sida laga yeelayo muwaadinkii ku xadgudba xuquuqda, waajibkana ka mermeera. Dhaqaalaha la’aantiis waxba ma suuragelayaan. Dhaqaalaha dawladuhu waa qaraan laga ururiyay, waxaana loo yaqaannaa “cashuur”. Erayga “cashuur” ma aha eray macaan, wuxuuna u dhedhamayaa sida wax qasab ah oo aan ralli laga ahayn. Laakiin, erayga qaraan waa micno dadka Somaaliyed yaqaaniin oo ruuxii “qaraan diid ah” la isku waafaqsan yahay inuu yahay ruux wanaag diid ah oo la cambaareeyo. Sidaas oo kale ayaa dalalka horumaray loo cambaareeyaa ruuxii cashuurta aan bixin, dambiga ugu weynna lagu qaadaa. Somaalida qaarkood waxey aaminsan yihiin in cashuurtu ay xaaraan tahay oo micnaheedu noqonayo dawladnimadu waa xaaraan. Qaar kale waxey sheegaan in cashuurta tahay “xoolo jinni” oo ay bannantahay in la boobo. Sidaas darteed ayaa xatooyada hantida dawladda loo baneystay, dawladiina sidaas lagu kala diray. Ummadda muslimka ah waxaa qaaraanka dawladda u dheer, dhaqaale kale oo loogu tala galay dadka aan awoodin iney shaqeystaan. Qaraankaas waxaa lagu magacaabaa “Zako” waajib ah iyo sadaqo dheeri ah. Micnaha weyn ee dawladnimada waa in muwaadiniinta shirkada ku ah dalka, dawladda iyo diintu ay bixiyaan qaaraan ay ku maamushaan dalkooda iyo zako iyo sadaqo lagu kaalmeeyo muwaadiniinta intooda tabarta daran.

Laakiin fikirka dawladnimada aan soo sheegnay laguma dhisin dawladda Somaaliyeed. Waxaa lagu bilaabay fikir qaloocan oo gaasir ah. Fikirkaas waa: dawlad ku dhisan kalmo, kabid iyo dayn. sadaqada

loo

bixiyo

bani-adannimada

Kalmo ama mucaanino waa

(humanitarian

assistance),

kabid

dhaqaale (economic assistance) waa mucaawinada aan dayn aheed oo lagu kabo dhaqaalaha dawladda, daynna waaba la yaqaan oo wax la soo celinaayo oo dulsaar leh (intrest). Gacan-hoorsigu wuxuu unoqday dhaqan joogto ah ee madaxda dawladda Somaaliyeed, maxaa yeelay dawladihii isticmaarku kama tegin dawlad dhaqaale ahaan isbixin karta. Tusaale ahaan, 1957 miisaaniyadda dawladdii maamul hoosaadka Somaaliya ee gobolka koonfurta waxey ahayd $14.1 milyan. Miisaaniyadaas waxey ka koobneed $6.9 milyan oo ah dakhliga gudaha iyo $7.2 milyan oo ah kabid dhaqaale ee dawladda talyaaniga. Sidaas ayaa

lagu

bilaabay

Somaaliya

dawlad

aan

bixin

karin

mushaarka

shaqaalaheeda. Markii gobonimada la qaatay 1960, intii laga fikiri laha isku filnaasho dhaqaale oo ku timaada horumarinta ilaha dhaqaalaha, dawladda Somaaliyeed waxey xoogga saartay iney hesho kalmo caalamai ah iyo iney gasho kharaj ayan ku filneyn bixintiisa. Somaaliya waqtigaas waxey heysatay fursad qaalli ah oo ay ku tartamayaan dawladaha reer Galbedka iyo kuwa reer Barigga. Waxey ka faa’ideysatay dagaalkii qaboobaa (cold war) iyo tartankii Ruushka iyo Mareeykanka. Haddii tusaale u soo qaadanno afartii sano ee ugu horeysay gobanimada (1960-1963), kaalmada dawladda la siiyay waxey ahayd sida soo socota. Sanadkii 1960 ($7.89), 1961 ($17.9), 1962 ($21.4), 1963 ($18.75). Waxaa kale oo intaas dheeri ka ah in dawladu qaadatay afartaas sano dayn dhan $ 112.45 milyan. Waxaa mar kasta sii kordhayay farqiga u dhexeeya waxyaabaha dibadda laga keeno iyo waxyaabaha la dhoofiyo. Tusaale: 1974, waxyabaha la dhooqfiyo waxey gaareen $55 milyan, waxyaabaha dibadda laga keenanana $ 175 milyan. Sidoo kale, 1982 waxaa la dhoofiyay $ 167 milyan, waxaana dibadda laga soo dejiyay $ 510 milyan.

Mar la isku soo duubo,

muddadii u dhaxeysay (1960-1988), waxaa Somaaliya la siiyay kaalmo gaaraya $7.4 bilyan oo isugu jira, kabid dhaqaale oo gaaraya $ 5 bilyan iyo kaalmo

militeri, $ 2.4 bilyan. Sidaas ayaa Somaaliya ku noqotay dawladda la siiyay kaalmada ugu badan ee Afrika marka loo eego tirada dadkeeda. Hadaba, mar hadii dagaalkii qaboobaa dhamaaday oo caalamka wax tartan weyn ah ayan ka jirin. Mar hadii dhaqaalihii aduunyadu hoos u dhacay oo qaylo dhaan afka labadiis ah la wada yeeray. Mar haddii Somaaliya weyday saaxiib run ah oo u soo gurmada, baadbaadidiyana dawladnimadeeda. Mar hadii dadka Somaaliyeed iyo dawladda Somaaliyeed indhohoodu u jeedaan dibadda iyo in kaalmo la siiyo oo ayna welli goosan iney isku filnaadaan.

Habada yaa

dawladda Somaaliyeed ku tashaneysaa iney masruufto? Sida aad la socotaan, waxaa la sameeyay baarlamaan gaaraya 550, waxaa la sameeyay dawlad salbalaaran oo gaareysa 37 wasiisr, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawladana malaha waa soo socdaan. Waxaa la sheegayaa in la sameynaayo ciidan xoog leh

oo

dalka

nabadiisa

iyo

kala

dambeyntiisa

soo

celiya.

Waxaa

loo

baahanyahay shaqaale la hawlgeliyo iyo in dib loo dhiso kaabayaasha dawladda. Hadaba xagee misaaniyad laga keenayaa oo yaa dawladda Somaaliyeed masruufaya? Ma waxey ku tashaneysaa dawladaha Carabta oo looga bartay balanfuryo, af-macaan iyo hawl-qabad xumo? Jaamicadda Carabta oo bilawgiiba muujisay taagero xumo markii ay dawladda siisay $1 milyan oo doollar.

Shirkii ugu dambeyay ee madaxda dawladaha Carabtu isugu

yimaadeen dalka Qatar, taageero Somaaliya geesinimo gelisa lagama maqlin. Ma waxaa dawladu ku tashaneysaa UNDP lacagaha lagu soo shubo oo dawladiihii horeba masariif “ku dhimo ah” siin jiray? Dawladihii bixin jiray kalmooyinkaas waxey ku mashquulsan yihiin sidii ay dalalkooda uga badbaadin lahayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray. Ma waxaa dawladu ku tashaneysaa ilaha dakhliga dalka iyo qaraanka dadka Somaaliyeed? Dadka Somaaliyeed sidaas ma u ogyihiin oo diyaar ma yihiim? Ma la hubaa in qaarankaas si xalaal ah loo maamulayo oo dadka qancisa? Ma laga leexanayaa dhaqankii looga bartay madaxda Somaaliyeed ee ku takri falka hantida guud ?

Waxaa muhiim ah in dadka Somaaliyeed iyo madaxdiisu isla fahmaan daruustii ay ku duntay dawladii Somaaliyeed 1991 oo ay sal u aheed in dawladu waysay dhaqaale ay ku wado dalka markii laga goostay kaalmooyinkii la siin jiray. Dabadeedna, waxaa la bixin waayay mushaarkii, saboolnimadii ayaa badatay, laaluushkii iyo musuqmaasuqii ayaa kobcay, bangiyadii ayaa gorfay, dawladiina waxay ku baaqday iney kacday (bankruptcy). Dawladihii KMG ahaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2000) iyo Kenya (2004) waxaa lagu saqiir suujiyay (infanticide) kaalmadii oo loo diiday. Sidaas darteed, waa in dadka iyo dawladda Somaaliyeed la yimidaan dhaqan cusub ee dawladnimo. Dhaqankaas oo ku dhisan isku tashi. Dhaqaankaas wuxuu ka bilawdaa in dawladu ay tabarteeda socoto oo ayana marna isku haleyn kaalmada dawladaha kale. Arinkaas wuxuu ku imaan karaa in shacbiga Somaaliyeed ogaadaan, kuna qancaan ineysan dawlad helayn haddii ayna qaaraanka dawladda bixin. Labadaas qodob hadii la isla fahmo, inta soo hartay waa farsamada iyo maamulka oo la hagaajiyo. Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaan, xikmad waqti hore la sheegay oo ku saabsan dawladnimada. Waxaa la yiri: dawladu ma jiri karto ciidan la’aantiis, ciidan ma jiri karo dhaqaale la’aantiis, dhaqaale ma jiri karo wax soo-saar la’aantiis, wax soo-saar ma jiri karo

nabad iyo cadaalad la’aantood. Sidaas

darteed, dawladu ma jiri karto haddii ayna keenin nabad iyo cadaalad oo sababa wax soo-saar oo sababa dhaqaale oo sababa jiritaanka ciidanka iyo dawladda. Hadaba, inta isweydiinno yaa masruufaya dawladda Soomaaliyeed, ma ku heshiinaa inaan isku tashanno, Ilaaheyna talo saaranno? Ma isla garanaa in xaalkeenu maraayo: bushi badan, baahi badan iyo baryo badan waa la isku nacaa!!.

Ma wada xasuusanaa maahmaahooyinka Somaaliyeed ee ah “biyo

sacabadaada ayaa looga dhergaa!! Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan!! Mise dullinnimada, dawlad la’aanta iyo dawarsi aan caadeysannay ayaan ku joogeynaa!! Ilaa intee aan ku joogeynaa!!

Related Documents


More Documents from ""