Tiirka Afaraad Ee Dawladnimada: Xagee Degantahay?

  • Uploaded by: Dr. Abdurahman M. Abdullahi ( baadiyow)
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Tiirka Afaraad Ee Dawladnimada: Xagee Degantahay? as PDF for free.

More details

  • Words: 1,616
  • Pages: 6
1 Tiirka Afaraad ee Dawladnimada: Xagee digantahay? W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)

Aqristaha sharafta leh waxaan xasuusineynaa inaan hore usoo qornay afar maqaal oo ka mid ah silsilada baraarujinta dawladnimada, kuwaas oo kala ah (1) ma ujeesanaa qiblada dawladnimada, (2) tiirka koobaad ee dawladnimada: muwaadinnimo, (3) tiirka labaad ee dawadnimada: qaaraanka dawladda iyo (4) tiirka sedexaad ee dawladnimada: qaanuunka dalka. Si aan u dhammeystirno dhismaha miisaaman ee dawladnimada waxaan maanta soo bandhigeynaa tiirka 4aad oo noqonaya kan ugu dambeeya silsiladaan. Waxaan hore usoo sheegnay in asaaska koobaad ee dawladnimadu tahay muwaadinnimo iyo tan xigtana ay tahay in muwaadiniintu bixiyaan qaaraanka dawladda (cashuurta). Waxaa kale oo aan soo bayaaninay in loo baahanyahay qaanuun haga dawladda iyo shacabka. Aabaha qaanuunka waa dastuurka oo aan soo sheegnay inuu noqdaa mid casri ah oo aan khilaafsaneyn nuxurka mabaadi’da Islaamka. Waxaa kale oo aan soo bandhignay talooyinka la isku waafajin karo qaanuunka dawladda iyo Shareecadda Islaamka, annaga oo waliba ka digeynna “xamaasad keenta deg-deg aan loo diyaargaroobin ama daahitaan niyadjab iyo is dhaleeceen ku dambeysa.” Waxaan soo sheegnay in Shareecada aan loo adeegsan sida mashruuc siyaasadeed oo marxad gaaban loogu talagalay, waana in loo arko iney tahay mashruuc qaran iyo waajib Islaami ah oo laga maarmaan u ah jiritaanka qarannimadeynna, iyo kheyrkeynna aduunyo iyo kan aakhiro. Maqaalka maanta waxaan uga hadleynaa xiriirka ka dhexeeya degaanka iyo muwaadinnimada. Sida la ogyahay, dadka Somaaliyeed waxaa la dhexeeya dalka Somaaliya, laakiin nasiib darro, waxaa qaybshay isticmaarka waqti dadkiisu

kala

daadsanyahay,

uusanna

laheyn

maamul

siyaasadeed

oo

mideysan. Dawladaha Ingriska, Fransiska iyo Talyaanigu waxey tartan ku soo galeen Geeska Afrika oo noqotay meel istraateeji ah ka dib markii la furay

2 kanaalka Suez 1869. Sidaas ayaa dadka Somaaliyeed waxaa lagu kala ooday xuduud khiyaalli ah oo lagu qoray khariidada caalamka, laakiin aan waxba ka bedelin

hab-dhaqanka

dadka

Somaaliyeed.

Sidaas

darteed,

isma

laha

deegaanka dadka Somaaliyeed iyo xuduudda dawladda Somaliyeed. Mashruuca dawladda Somaaliyeed ee bilawday 1960kii wuxuu noqday mid qabya ah oo aan buuxineyn

hiraalka

(vision)

dadka

Somaaliyeed.

Sidaas

darteed,

dadka

Somaaliyeed ee ku firirsan ee Geeska Afrika uma suuragelin iney noqdaan hal dawlo, waxeyna ku kala oodmen afar dawlo oo kale ah Jamhuuriyadda Somaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Hiraalkii halgamayaasha gobonimodoonka Somaaliyeed oo ku dhisneed in Somaalida Geeska Afrika la mideeyo oo hal dawlo la iskugu keeno waxaa soo gaaray dhaawac culus in kasta oo ayan habooneyn in laga quusto, lana aaso. Haddii la qaado dariiq kale oo sax ah, sabar badan loo yeesho, deg-degta, xamaaska iyo xoog adeegsiga meesha laga saaro, waxaa laga yaabaa in la helo wadiiqo suuragal ka dhigta hiraalkaas. Haddii sida aan dooneynay oo ah Somaali mid ah oo hal dawlo ah iyo sida xaqiiqada siyaasadeed noqotay oo caalmkuna ictiraafay iskhilaafeen, waa inaan fikir iyo farsamo kale ku celinaa. Sida loola dhaqmayo xuduudaha Afrika, waxa lagu soo afjaray shirkii lagu qabtay Qaahira 1964 ee dawlaha Afrika ku go’aansadeen inaan la bedelli karin xuduudii isticmaarku uga tegay ee Afrika. Inkasta oo dawladaha Afrika ay ka hortegaayeen dagaallo sokeeye iney ka dhacaan Afrika oo la isku wada qabsado xuduudaha, hadana dawladda Somaaliyeed waxey ufasirtay arinkaas inuusan khuseynin dhibaatada ay Itoobiya Somaaliya ku hayso. Doodda Somaalidu wuxuu ku dhisnaa in Itoobiya ay tahay isticmaar madow oo Somaliaya qayb ka mid ah isticmarsaday, sidaas darteed khilaafka

Somaaliya iyo ayada u

dhexeeya uusan khuseynin go’aanka Afrika. Haseyeeshee, arinkaas dawladda Somaaliyeed waa ka iibin weysay caalamka intiisa kale, ayaduna waa ku xaqiijin waysay xoog iyo xaajo. Sidaas darteed, xuduudda Somaaliya la leedahay dawladaha Itoobiya iyo Kenya ma aha mid fadhiya oo heshiis rasmi ah laga

3 gaaray. Taas micnaheedu waa in soodinta dawladda Somaaliyeed ayaan qumaati u qeexneyn. Hadaba, dhibka Somaalida haysta waa ka mid ah qeexidda muwaadinka Jamhuuriyadda Somaaliyeed. Shacbiga Somaaliyeed ee sedexda dal ee ku yaalla Geeska Afrika kala degan iyo muwaadinka Jahmuuriyadda Somaaliyeed ma u simyihiin muwaadinnimada? Jawaabta su’ashaan waa mid aad udhibadan. Haddii aad ku jawaabto haa, waxaad isku dhaceysaan dawladaha dariska ah adiga oo welliba tabar daran, culeyn aadan qaadi karinna waa kusoo wajahayaa. Hadii aad ku jawaabto maya, waxaad kala takooreysaa Somaalida aad dooneyso iney midoobaan. Bal aan fiirinno sida ay arinkaas ula dhaqmeen dawladihii Somaaliyeed annaga ka eegeynna xagga qaanuunka. Dastuurkii dawladda Somaaliyeed ee 1960 waxaa ku qornaa “in dadka Somaaliyeed yihiin mid oo

aan

la

qeybin

karin(1:1)

iyo

in



dadku

ka

koobanyahay

muwaadinninta oo dhan”(2:1). Sidaas darteed ruux kasta oo ah Somali ah wuxuu noqon karay muwaadin Somaaliyeed haddi uu ka tago muwaadinnimada dawlad kale. Somaaliyeed

Dastuurkaasu wuxuu ka turjumayay himiladda midnimada oo

loo

halgamayay.

Haseyeeshe,

waxaa

isbedelay

fikirkii

waddaniga ahaa oo ku saleysnaa midnimada Somaaliyeed intii ka dambeysay qaran-jabkii

1991.

Waxaa

arintaas

tusaale

ka

ah

sida

loo

qeexay

muwaadinnimada Somaaliyeed, looguna qoray Axdiga Qaranka. Bal aan tusaale usoo qaadanno sida arinkaas loogu qoray

Axdiga kmg ah ee 2004 oo lagu

sameeyay Kenya. Arinta muwaadinnimada waxaa loo qoray“ ruux kasta asalkiisu yahay Somali wuu noqon karaa muwaadin Somaaliyeed, hadii (a) uu ku dhasho Jamhuuriyadda Somaaliya ama (b) aabihiis uu ahaa muwaadin Jamhuuriyadda Somaaliyeed”(10:2).

Dhanka kale, dastuurka

Somaliland oo loogu talagalay dawlad ka madax banan Somaaliya inteeda kale, waxaa ku qoran:

“Ruux kasta oo udhashay Somaliland ama ah farac

ruux deganaan jiray Somaliland 26 June 1960 ama ka hor, waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin Somaliland” (4:1). Ugu dambeyntii, dastuurka Puntland oo loogu talagalay dawlad goboleed, wuxuu qorayaa in

4 “muwaadinka Puntland waxaa laga soo hubiyaa (markhaati laga keenaa) degmada uu deeganyahay” (5:1). Waxyaabaha aan soo sheegnay waxaan ula jeednaa inaan tusaalle ka bixinno dhibaatada ka taagan xaddidaada xuduuddaha Somaaliyeed iyo muwaadinnimada Somaaliyeed, hadafkeynuna waa isfahamsiin iyo isbaraarujin oo maqaalkan gaban ugama faaloon karno. Hadaba tiirka 4aad ee dawladnimada Somaaliyeed wuxuu noqonayaa in dawladu

ay

leedahay

xuduud

aan

lagu

muransaneyn

oo

la

wada

ictiraafsanyahay. Arinkaas, oo muraan taariikhi ah ka jiro, hadda ma sahlana in degdeg loo xallliyo oo wuxuu u baahanyahay jiritaan dawlad Somaaliyeed oo awood u leh. Arinka soo haray oo suuragalka ah waa in muwaadin kasta yeesho deegaan rasmi ah uu ka diiwaan gashanyahay. Axdiga dawlad-goboleedka Puntland waxaa ku qoran arin ku dayasho mudan. Arinkaasu waa isku xirka muwaadinnimada iyo deegaanka. Talladu waa in muwaadin kasta yeesho deegaan

uu qaaraan gaar ah ka bixiyo, wax ka dooran karo, lagana

dooran karo. Sida ka muuqata erayga muwaadin oo asalkiisu yahay Carabi, wuxuu ku fadhiya micnaha ah “ruux meel degan.” Meeshaas waxaa ugu horeyntii loo micneystaa dalka oo dhan, laakiin waxaa su’aal ah xagee dalka ka degantahay? Xagee gurigagu ku yaallaa? Xagee aad daris ku leedahay oo aad iskaa wax-u-qabso ka bixisaa? Xagee lagugu soo hagaagaa oo caruurtaadu yaqaaniin, kuna cayaaraan?

Waxaa lagama maarmaan in ruux kasta oo

muwaadin Somaaliyeed ah uu jawaab ka bixi karo su’aalahaas. Waxaa lagama maarmaan ah, inkasta oo dalka oo dhan dadka ka dhexeeyo, in degaannada la kala leeyahay. Degaan kasta waxaa si gaar ah u leh inta degan oo laga rabo iney wanaagiisa, adeegiisa bulsho, wadooyinkiisa iyo nabadiisa hagaajiyaan. Sida la ogyahay, Somaalidu inteeda badan waxey iskugu xirantahay reernimada oo mararka qaar waxey isku mid noqdaan deegaanka. Laakiin, ayada oo aan la diideyn wada dhalashada dhiigga ama wada-dhaqanka diyo-wadaagga ku yimaada, hadana marka aan dawladnimo ka hadleyno, waxaa la rabaa in degaan la iskugu xirmo. Sidoo kale, waa in laga gudbo marxalladii la isku ceebin

5 jiray reernimada oo si kama dambeys ah aan uqirno iney tahay reernimadu wax la isku aqoonsado, la isku ixtiraamo, kheyrkana la isku kaashado. Sidaas ayaa Ilaahii na abuuray ku sheegay Qur’aankiisa, mana aha in la inkiro iyo in la isku dulmiyo ama sadbursi lagu sameeyo. Ilaahey wuxuu ku yiri aayadda Qur’aanka: “waxaan idin dhignay shucuub iyo qabaa’il, si aad isku garataan. Dhab ahaantii, ruuxa Ilaahey agtiisa ugu karaamada badan waa kan ugu cabsida badan.” Hadalka nuxurkiisu waa in ruux kasta oo muwaadin ah dhihi karo, waxaan ahay muwaadin Somaaliyeed oo ii suuragelineysaa inaan dalkeyka ka degi karo meeshii aan doono, muwaadiniinta kalena waxaan ula simanahay shaqada, tacliinta, xuquuqda iyo waajibaadka qaranka. Waxaa kale oo aan ahay muwaadin gobolka (Hiraan, Bakol iwm) iyo degmada (Buulaburte, Xudur Iwm) oo aan ka diiwaan gashanahay, doorashana ka geli karo. Sidaas ayaa dadka oo dhan waxey kala gelayaan degaanno ayaga oo dalkuna ka dhexeeyo. Deegaameyntu waa in loo sameeyaa sharci gaar ah oo ayan ku imaan xoog iyo dhul boobka hadda ay caadeysteen jabhadaha iyo reeraha xoogga leh oo maleyshiyaadka sameystay. Tusaale, ruuxii degaya degmada Xamarweyne ee ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaa lagu shardin karaa inuu deganaado halkaas muddo hal sano oo uu iska diiwangeliyo maamulka degmada si uu u helo xuquuqda dadka degaanka ka dhexeeya. Sidaas darteed, waxyaabaha dawladnimadu u hagaagi weysay waxaa ka mid ah dadka oo ayan diiwaan gashaneyn, ayan tirsaneyn oo aan kala laheyn deegaan loogu soo haagago. Hadii aan dadka la tirin, hadii aan dadku ku xirnaan deegan la yaqanno, si cadalad ah looguma qaybin karo awoodda dawladnimada iyo adeegga bulshada. Waxaa mushkilo ka jirtaa sida degmooyinka loo sameeyay ee ma la xallin karaa? Waxaa lagu doodaa isticmaarkii ama dawladihii ka dambeeyay ayaa iska sameeyay degmooyinka (district) ayada oo lagu abaalmarinayo reero taageerayaal ahaa. Waxaa lagu doodaa ineyan jirin shuruud go’an (criteria) oo lagu cabiri karo meesha noqon karta degmo iyo meesha noqoneysa tuullo. Waxaa la yaab leh in dawladda KMG sameysay degmooyin cusub meello ayan kaba talin. Sidoo kale, Putland waxey sameeysay

6 gobollo iyo degmooyin cusub. Sidoo kale, Somaliland waxey sameysay gobollo iyo degmooyin fara badan. Maxaa gobol ah, maxaa degmo ah? Maxaa xaddiidaya ? Yaa xaddidaya? Su’aalahaas welli si dhameystiran loogama jawaabin. Gunaanadkii, haddii aan ku heshiinno inaan qibladda dawladnimada ujeesanno, afartaas tiir dawladedna aan si habsami ah ugu tiirsanno, waxaan shaki laheyn iney soo noqoneyso dawladnimada Somaaliyeed. Intaas ma kari karnaa? Ma isku raaci karnaa? Mise damiinnimo dawladeed oo gaamuurtay ayaan nagu habsatay? Afarta tiir ma utaagay! Eebahey ma utuugay! Tubta rabow nagu toosi!! Tubta rabow nagu toosi!! Aaamiin .. Aamiin.

Related Documents


More Documents from ""