Xalka Qoragii Waa Xumaadee Ma Xaajoonaa!

  • Uploaded by: Dr. Abdurahman M. Abdullahi ( baadiyow)
  • 0
  • 0
  • May 2020
  • PDF

This document was uploaded by user and they confirmed that they have the permission to share it. If you are author or own the copyright of this book, please report to us by using this DMCA report form. Report DMCA


Overview

Download & View Xalka Qoragii Waa Xumaadee Ma Xaajoonaa! as PDF for free.

More details

  • Words: 946
  • Pages: 4
1

Xalka qoragii ! waa Xumaadee! ma xaajoonaa! W/Q/Cabdiraxman Mocallim Cabdullahi (baadiyow) Waxaan usiibeynaa

kobcineynaa

“afkaarta

wax-dhisidda”,

waxaan

jiridda

“afkaarta wax-duminta”. Afkarta wax-dumintu waxey ku

meereysataa magacyada qabaailka iyo seef-laboodnimo nooc kasta leh (mid qabiil, mid diimeed, mid aragti…). Kuwa xambaarsan “jeermiga” afkaartaas qaloocan, waxey rumeysanyihiin in runtu tahy sida ayagu rabaan, diintuna sidii ay fasiraan, dalkana dadka uga sokeeyaan. Fikirkoodu waa aniga ayaa sax ah adiguna waxaad ku jirtaa baadil, runta iyo saxda iyo diintuba waa sidii ay iyagu rabaan, dooduna kama furna. Si haddaba aad uga badbaado afkaarta wax-dumiska oo aad ugu tallabsato afkaarta wax-dhisidda, bal ila aqri qodobada hoos ku qoran, dabadeedna ka fakir, kalana sheekeyso saaxiibadaa. 1. Ha is-dhegeysan kaligaa, hana garamin: Waa inaad ku qanacdaa

in

marka

laga

reebo

waxyaabaha

Ilaahey

iyo

Rassulkiisa suban ay si cad oo aan khilaaf laheyn usheegeen, inta kasoo hartay oo hawl aduunyo ah waa fakir, waa “ijtihaad” la isku khilaafi karo ama la isku waafaqi karo. Reerkaagu sax ma aha, reeraha kalena khald ma aha!! ururkaagu sax ma aha, ururada kalena khalad ma aha, adigu sax ma tihid, ruuxi ku khilaafana khlad ma aha!! Joog, naftaada xakamey oo kaligaa ha garamin.

Arimahaasu oo dhan waa “ijtihaad” dadku ay xor

uyihiin, ururadu ay xor- uyihiin, qabaailku ay xor uyihiin. Miisaanka dhabta ah ee hadal kasta iyo ficil kasta waa dhibka iyo dheefta

uu

keenayo

iyo

sida

uu

uga

fogyahay

ama

uwaafaqsanyahay tubta toosan ee Islaamka oo ku dhisan ilaalinta danaha guud (al-maslaxa al-caama) 2. Aqbal inaan shirko nahay:

Waxaan shirko ku nahay dalka

Somaaliya, waxaana nahay dhamman muwaadiniin u siman

2 xuquuqda iyo waajibaadka. Waxaan leenahy xuquuq siyaasadeed oo siman (equal political rights). Xuquuq dheeri ah laguma helo reerka lafweynta ah oo aad ka dhalatay, laguna weynayo reerka laga tirada badanyahay oo aad kasoo jeedo. Wixii dadka ka dhexeeya waa iney ka tashadaan, waxey ay isku waafaqsanna ku dhaqmaan.

Sidaas ayaa la rabaa. Tusaalle waxaa ah in

dastuurka (charter or constitution) noqdo mid ka tarjumaya waxyaabaha saameleyda dalku ku heshiisyihiin. 3. Walaalow ha naboobin! hana naxoogin!!

Doorashooyinkii

laga sameyn jiray Soomaliya intii ka horeysay markii ay taladda qabsadeen ciidamadu, siyaada Somaalidu waxey ku dhismeed inteeda badan “boob” and “beec”. waxaa

siyaasadu

ku

dhismeed

Wixii ka dambeeyay 1969, “xoog”.

Dawlad

xoog

adeegsaneysa, Jabhado xoog adeegsanaya (ku dhisan qabiil ama diin). Magaca dawladii shirkada lagu ahaa xoog ayaa lagu qatay ama lagu rabaa, magaca qabiilka oo shirkada lagu ahaa xoog ayaa kooxu ku qaatay, magacii diinta oo lawada rumeysnaa kooxo ayaa gaar ushegtay!! Walaalayaallow yaan la isxoogin! oo yaan la xoogin weliba sacabooleyda iyo inta ka xishootay qoryaha, kana cabsaneysa xisaabta aakhiro. 4.

Ma xaajoonnaa, ceebtana iska mayrnaa!! Haddi aan iska dayno kali-garanka, xoog isku sheegsasha, aqbalnana inaan shirko ku nahay dalka, dawladnimada iyo diinta, waxaa inoo furan albaabka wada-hadalka iyo heshiiska. Wada hadal iyo heshiis dhab ah ma dhacaayo ilaa runta laga hadlo, fikirka waxdiskana, la amino. Haddii aan heerkas soo gaarno, uma baahnin shirar dibadda lagu qabto iyo iney na heshiisiiyaan dawlado ajnabi ah. Mar hadii aan xoog adeegsiga iska dhaafno, aan si run ah uwada hadalno, waa heshiineeynaa. Dawlad Somaaliyeed waxey ka dambeysaa heshiskaas dhabta iyo qoryooleeda oo “miirku” usoo noqdo. Ceybteynna iyo sharaf-daradeynna inaan

3 dhaqno waxey ka dambeysaa fikradaha xalaashaha inaan isku raacno, kuna dhaqanno!! 5. Ama xisbiyo! Ama qabiil! ama qoryooley! Haddi la yiraahdo hala xaajoodo, hee! Waxaa soo baxeysa su’aal ah yaan xaajoonaya? Madaama aan dadka oo dhan meel la iskugu keeni karin, waxaa xaajada Somaaliyeed gelaya inta urursan oo kooxeysan. Waxaa lagu ururi karaa rernimo, jabhadnimo, ama ururnimo (xisbinimo). Haddi ururo dhab ah oo madani ah (civic institutions) la waayo, waxaa xaajada Somaaliyeed u furantahy oo la kali noqonaya qoryooleyda iyo qabaa’ilka. Haddii aad sidaas ogoshahay iska joog. Haddii kale, la imaw farsamo aad uga qeybgasho talada dalkaaga. 6. Eedda ha wada saarin shisheeyaha: Waxaa loo baahanyahay in la fahmo dawladaha shisheeyaha ah waxey Somaaliya ka rabaan iyo waxa ay dhib ka gaysteen, si looga hortagno dhibkaas. Waxaan loo baahneyn inaan iska dhigno ummad aan waxba qabsankarin oo ooyin meel la fadhida!! dawlad kasta waxey leedahay dano istraateeji ah, sidaas ayaa dawladihii isticmaarku ahaayeen, dawladaha dariska nala ahna hadda yihiin. Markii ay jirtay dawladii Somaaliyyed oo burburtaynay iyaduna waxey laheed istraatejiyad. Dawladda Itoobiya waxey leedahay danno iyo istraatejiyad ay ku fulineyso “xoog iyo xeelad”.

Annagu

ma

xukunno

istrateejiyada

iyo

ficilka

siyasadeed ee dawladaha ajnabiga ah oo sida ay rabaan u dejisanaya istraateejiyadooda, laakiin waxaa gacanteynna ku jira, sameyn karnaa, inaan yeelanno istraateejiyad Somaaliyeed oo aan ku wajahno istraateejadaha kale. Ummad wada jir leh, dawlad leh, wada tashi leh ayaa yeelata istraateejiyad ay ku wajahdo istraatejiyadaha kale oo dhibaatadu uga imaaneyso. Kale qaybsanaanta Somaalida iyo dagaldeeda sokeeye waxaa saldhig u ahaa Itoobiya. Halkaas ayaa laga dumiyay dawladii

4 Somaaliyeed,

laguan

taageeray

jabhadaha

intooda

badan.

Dagaaldda hadda socda waxey uadeegayaan istraateejidaha dawladdaha kale oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Eritereeya ee laguna gaarayo danta dadka Somaaliyeed. 7. Aan isku dulqaadanno: Marxaladaan waxaa wada soconayaa duminta fikradaha “wax-dumiya” iyo dhisisidda “fikradaha waxdhisa”. Hawgalkaas, waxaa la socda xanuun iyo wargafasho badan. Kuwa xambaarsan fikirka wax-dunintu uma dulqaadan karaan naqdiga, doodaha cilmiga ah iyo fikradaha kale. Waxey u barteen “fikradaha suuqa madow” oo assaskeydu yahay xanta iyo warxume tashiilka. Sidaas darteed, dadka isbedel doonka ah waxaa

laga

rabaa

sabar

badan

iyo

dulqaad.

Dadkeynna

dhibaatada ugu weyn ee haysata waa fikirka “wax-dumiska” oo muddo dheer kaligii goobtu u heraarneed (kaligiis cayaarayay), laakiin hadda wixii ka dambeeya, lagama yeelayo arinkaas!! waana la hubaa in marxallada soo socota soo kobcidoonaan kuwa fikirka xalaasha ah xambaarsan. 8. Gunaanad: Waxaan ku soo gunaanadaa, runta ma wajahnaa !! oohinta ma iska daynaa!! ururo ma sameysanaa!! nabadda ma ka wada shaqeynaa!! tallo wadaag ma noqonaa!! dalkeyna ma badbaadinaa!! Ilaahey ma cabudnaa!!.

Related Documents

Waa Article.docx
October 2019 7
Banovich Waa Ws09
June 2020 3
Ma
May 2020 22
Ma
June 2020 26

More Documents from ""