1
Nabad Fadaase! Nabad ma Rabtaa? W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)
Ma nabad(b)aa! waa nabad iyo naxariis! Assalaamu caleykum! wa caleykum assalaam wa raxmatu Allah. Kusoo celli erayadaas oo dhadhenso, sow aad uma macaanaa. Dibadeed xasuuso inta aan nabadda haysan, inta aan nolosha haysan, inta naftooda lagu gooyay dulmi iyo dagaal, inta guryahooda laga qixiyay, inta waxbarashooda laga fogeeyay, inta fahamka Islaamka looga dheelay, inta caqligooda la wasakheeyay. Xasuusta tii ugu dambeysay, qaraxyadii waxshinimada oo lala beegsaday Hargeysa iyo Bosaaso si loo wiiqo nabadda iyo nolosha. Salaantaas waxay xambarsantahay oo ay tilmaamaysaa, kana tarjumaysaa nabad oo ayada la’aanteed nolol aysan jirin. Waxaan filayaa in macaanka iyo micnaha nabadda Soomaalida inteeda badan isku raacsantahay. Laakiin, bal sug, ma runbaa inaan nabad rabno? Yaa nabada raba! yaase nabadda diidan!! Yaa lug u laabantahay? Waa yahay, nabadda waa dooneynaa, laakiin waxbaa iga guuxaya. Waxaas waxaa la yiraa (laakiin iyo laakiin). Laakiinta 1aad: “waa maxay nabadda aad sheegaysid?” mar haddii dalka dawlad cadow ah ay haysato oo koox gaallo raac ah ay rabto inay naxukunto? Sow in lala jihaado ma aha? Sow Jihaadku xaq ma aha? Sow ruuxii jihaadka diidaa ama hala joojiyo yiraahda in hawl laga qabto ma aha? Walle iyo bilee inaan Itoobiyaanka iyo inta daba dhilifka u ah ayana naga heleyn waxaan xabad aheyn!! Allahu Akbar! Laakiinta 2aad: “waa maxay nabadda aad sheegeysid?” mar hadii dalka argagixiso ku soo duushay oo buuraha Afqanistaan ragg lagu soo tababaray iyo
2 kawa ka yimid ay joogaan. Ragg aan aduunyo rabin oo geerida ilkaha ku sita!! Ragg aan dowlad rabin oo dagaal u joog ah, ragg laga masruufo meel aan la garaneyn. Ragg ay dhabarka ka riixayso dawladda Ireteriya oo Itoobiya dagaal kula jirta. Dagaalku waa soconayaa ilaa argagixisada laga ciribtirayo! Somalia ha noolaato!! Laakiinta 3aad: “waa maxay nabadda aad sheegeysid?” maxaan ka helayaa? maxaan ku dheefayaa? xukun iyo xoolo ayaan daneynayaa ee nabadda ma lagu helayaa? Haddii nabada aan waxba ku dheefeyn “bul Allaha siiyo”. Haddi nabadu timaado intii nin reer hebel ah naxukumi lahaa, dawlad la’aanta ayaa dhaanta ee “cayaartu ha socoto”! Laakiinta 4aad: “waa maxay nabadda aad shegeysid?” oo dagaalladii iyo dambiyadii aan soo galnay, dadkii aan soo dilnay, hantidii aan boobnay, dhulkii aan qabsanay, wixii dabmbi la ogaa sow lagama yaabo in laga xisaabtamo? Wallee inta aan noolahay ayaan dawlad la noqon, nadab la keenin!! Ha socoto cayaarto!! Laakiinta 5aad: “waa maxaa nabadda aad sheegee?” sow mashruuca hadda ii socda kuma dheelayso nabada iyo dawladnimadu? Haddii nabadu timaado oo dawladu shaqayso waxaa imaanaya qawaaniin iyo sharciyo, aniguna hadda ayay hawshaydu isku diba dhacsantahay, dawladu amey iiga dheeshaa!! Bal waa in xoogaa loo sugaa inta meesha aan rabo wax ka gaarsiinayo! Nabadda ma diidani laakiin, waxyar ma la sugi karaa! Laakiinta 6aad: “waa maxay nabadda aad shegeysid?” sharcigiiba welli ma qaadan. Ma waxaad rabtaa in Somaaliya la ii celiyo aniga oo aan sharci qaadan? Wallee ma ogid dhibka iyo saxariirta aan usoo maray inaan imaado dalka dibadiisa, inta aan khatar ka soo gudbay!! Inta dad iga dambeysa oo iga sugeysa masruuf iyo nolol!! Nabadda waa rabaa, laakiin amey sharciga iiga
3 sheeshaa? Ilaa aan sharciga ka qaadanayo Ilaahow dowlad maya!! Laakiinta 7aad: “waa maxay nabadda aad shegeysid? Sow UN-tu Nairobi kama guureyso oo Somaaliya oo xaalkeeda la ogyahay looma guurayo? Annigu koley Somaaliya tagi maayo haddii la yiraahdo ha loo guuro. Somaaliya la iskuma halayn karo, shaqo la’aantuna iima roona. Ha iska sii jiitanto!! Tan kale, hadii nabadu timaado waa la xisaabtamayaa, shaqada aan hadda heysto waxaa iska leh Somaali aqoonyahaanna ah oo aan hadda hadli karin!! Bal haloo sugo oo hala meermeeriyo. Qawda maqashii! Waxna ha u qaban!! Laakiinta 8aad: “waa maxaa nabadda aad sheegaysid?” Somaalinimadii welli ma dhiman? Waxaan moodaynay iney muddo yar ku dhimanayso oo lagu kala faataxeysanayo, laakiin cumrigeedu waa dheeryahay. Waxaaba welli joogaa dad nool, Somaalinimadii welli ma dhiman? Walli santaagii iyo hanqal taagii kama dhamaan? Fara kama qodna faanoolee!! Nabad ma rabtaa? Nabad fadasee? Nolol ma rabtaa? Nonol fadasee? Afbuuxa ku dheh “maya dagaalka”, wada jir u dhaha “maya dagaalka”! kor u dhaha oo hadana ku soo celiya! Maya dagaalka! Maya dagaalka! Maya dagaalka! Hadaba nabadey yaa kuu baahan? Away dadkaagii?